Ousmane Dembele oo shaaciyay waqtiga uu tababarka ku soo laabanayo

Dembele 1

(Barcelona) 27 Nof 2017 Ousmane Dembele ayaa shaaciyay waqtiga kama danbaysta ah ee uu dib ugu soo laabanayo tababarka kooxdiisa.

Laacib kaan ayaa la maqnaa dhaawac soo gaaray bishii September, wuxuuna haatan ku dhawyahay inuu dib ugu soo laabto tababarka Barcelona.

Dembele 2

Ousmane Dembele oo booqday kooxdiisii hore ee Rennes sabtigii ayaa sheegay in laba isbuuc kadib uu dib ugu soo laabanayo tababarka.

“Si fiican ayaan u soo kabanayaa, laba isbuuc kadib waxaan ka qayb qaadanayaa tababarka buuxa” ayuu yiri Ousmane Dembele.

16 September ayuu soo gaaray Ousmane Dembele dhaawacaan culus kulan Barcelona ay la ciyaaraysay Getafe.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close