Montella oo ku soo hadlay Twitter ka kaddib markii laga ceyriyay xilka AC Milan

(Milano) 27 Nof 2017. Vincenzo Montella ayaa ku soo hadlay baraha blushada kaddib markii dhawaan uun laga xayuubiyay xilka tababaranimo uu u hayay Milan isagoona sheegay inay sharaf wayn u tahay inuu soo leyliyo naadigan faca wayn.
Rugcadaagii Milan Gattuso ayaa loo dhiibay xilkii uu ka tagay saaxiibkii Montella oo isagu si liidata ku bilowday kal ciyaareedkan.
“Sharaf ayay ii ahayd inaan leyliyo AC Milan, waxaase ka sii sharaf badnaa inaan la shaqeeyo ciyaartoydan,” Montella ayaa sidaa ku soo yiri bartiisa Twitter ka.
“Waxaan taageerayaasha uga mahad celinayaa taageeradooda, Fassone iyo Mirabelli waxaan uga mahad celinayaa fursadan halka shaqaalahana uga mahad celinayo taageeradooda intaan howsha waday.
“Waxaan Gattuso u rajeynayaa inuu Milan dib ugu celiyo booskeedii.”.
Allenare il Milan è stato un onore, lavorare con questo gruppo ancor di più. Ringrazio i tifosi per il loro sostegno, Fassone e Mirabelli per l’opportunità e il mio staff che mi ha supportato in ogni momento. Auguro a Rino di riportare il Milan dove merita.
— Vincenzo Montella (@VMontella) November 27, 2017
Gool FM.