Lionel Messi oo ku jira xaaladii ugu xumeyd ee gool dhalinta muddo 7-sano kaddib

mess

(Europe) 27 Nof 2017. Inkastoo Messi ku bilowday kal ciyaareedka qaab ciyaareed aad u wacan misane iminka wuxuu galay waqtigiisii ugu xumaa ee gool dhalinta muddo 7 sano kaddib.

Xiddiga reer Argentina ayaa caradiisa si cad u muujiyay ciyaartii xalay ay bar-baraha 1-1 la galeen kooxda Valencia kaddib markii laga diiday gool cad oo laga soo celiyay diilinta ka gadaale.

Messi ayaa wajahaya waqtigiisii ugu xumaa ee goosha horteeda maadaama uu wax gool ah dhalin la’yahay lix kulan.

 Lionel Messi hasn't endured a dry run this long since 2010

Goolkii ugu dambeeyay uu dhaliyo wuxuu ahaa mid uu uga shubay Athletic Bilbao ciyaar ay 2-0 uga adkaadeen 28-kii Octoobar.

Wixii markaa ka dambeeyay Messi ayaa ku sari waayay inuu goolal ka dhaliyo Olympiakos, Sevilla, Leganes, Juventus iyo Valencia – iyo waliba xulka Ruushka mar uu matalayay Argentina.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close