“Guushii Burnley waxay nooga muhiimsanayd guushii Tottenham” – Laurent Koscielny

(London) 27 Nof 2017 Daafaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa sheegay in kooxdiisu ay muhiim u ahayd guushii ay ka gaartay Burnley xalay.

Arsenal ayaa dhamaadkii ciyaarta gool ku laad loo dhigay uga adkaatay Burnley oo ay marti u ahayd.

Laurent Koscielny oo la hadlay saxaafada dhamaadkii ciyaarta ayaa yiri:

“Waxaan rumaysanahay in guushaan ay muhiim ahayd, wayna ka muhiimsanayd guushii aan ka gaarnay Tottenham”.

“Aad ayaad u farxaysaa marka aad gool dhaliso daqiiqadaha ugu danbeeya oo aad hesho 3-da dhibic”.

“Isku dhibco ayaan ahayn Burnley, si toos ah ayeeyna noola ciyaareen, waxaa afka hore uga ciyaarayay ciyaartoy goolal dhalin kara, wuxuu ahaa kulan adag”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close