Barcelona iyo Man City oo ku tartamaya daafac u ciyaara Real Sociedad

Image result for Inigo Martinez

(Barcelona) 27 Nof 2017 Kooxaha Barcelona iyo Manchester City ayaa ku tartamaya saxiixa daafac u ciyaara kooxda Real Sociedad.

The Sun ayaa baahisay in tababare Pep Guardiola uu ku fikirayo inuu soo xerogaliyo Inigo Martinez bisha janaayo.

Image result for Inigo Martinez

Kooxaha wax u indha indheeya kooxda Manchester City ayaa aad u daawaday 26 jirkaan reer Spain tan iyo bilowgii xiliciyaareed kaan.

Laakiin City ayaa tartan adag kala kulmaysa kooxda Barcelona oo liiska ciyaartoyda ay ka doonayso suuqa ku darsatay.

Tababare Valverde ayaa aad ula dhacsan qaab ciyaareedka Inigo Martinez uu ku soo bandhigayo kooxdiisa, wuxuuna isku dayayaa inuu ka dul qaao Manchester City.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close