Serie A: Napoli oo hogaanka dib ugu soo laabatay, Roma iyo Milan oo barbaro lagu celiyay +SAWIRRO

(Naples) 26 Nof 2017 Qaar kamid ah kulamada ugu xiisaha badan horyaalka talyaaniga ayaa la ciyaaray, Napoli ayaana dib ugu soo laabatay hogaanka horyaalka.

Napoli ayaa guul ka gaartay Udinese oo ay marti u ahayd, Jorginho ayaana shabaqa dhex dhigay gool ku laad laga tufay.

Napoli ayaana ku adkaatay 0-1, guushooda ayaa ka dhigaysa inay 2-dhibic ka sareeyaan Inter oo ku jirta booska 2-aad.

Dhanka kale, Roma ayaa barbaro la gashay Genoa xili uu casaan ka qaatay laacibkooda qadka dhexe ee De Rossi.

Stephan El Shaarawy ayaa hogaanka u dhiibay Roma daqiiqadii 59-aad kadib kubadd uu ka helay Alessandro Florenzi, wuxuuna ka dhigay 0-1.

Balse Gianluca Lapadula ayaa ka soo barbareeyay kadib markii uu gool u badalay gool ku laad uu keenay De Rossi kaas oo laga saaray ciyaarta, wuxuuna ka dhigay 1-1.

Dhanka kale, AC.Milan ayaa barbaro goolal la’aan ah lagashay kooxda Torino oo marti ugu ahayd San Siro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close