“PSG waxay haysataa laacib ka xirfad badan Messi, Ronaldo iyo Neymar”

Image result for Marquinhos julian draxler

(Paris) 26 Nof 2017 Daafaca PSG ee Marquinhos ayaa sheegay in kooxdiisu ay haysato laacib ka xirfad badan ciyaartoyda ugu caansan adduunka.

Marquinhos ayaa sheegay in Julian Draxler uu yahay laacibkii ugu xirfada badnaa ee uu arko intii uu ciyaarayay kubadda cagta.

Image result for Marquinhos julian draxler

Wuxuu sheegay inuu ka hortagay Messi, Ronaldo iyo Neymar balse uusan arkin laacib leh xirfada Draxler oo kale.

“Intii aan ku guda jiray waayahayga waxaan ka hortagay ciyaartoy waa wayn, waxaan ka hortagay Ronaldo, Messi iyo Neymar laakiin Draxler ayaa dhamaantood ka xirfad badan” ayuu yiri Marquinhos.

“Julian waa laacibka xirfadiisa igu soo jiitay, laga yaabee inuusan lahayn orodka ciyaartoydii aan soo sheegay laakiin wuxuu uga adkaanayaa laacibka ka soo horjeeda qaabka uu kubadda u maamulayo iyo aqligiisa xad dhaafka ah”.

Image result for Neymar Messi Ronaldo

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close