Milan oo sahan u dirsatay Dembele

Dembele-M-Celtic-epa_1

(Milan) 25 Nof 2017. Milan  waxa ay sahan daawada u dirtay weeraryahanka Celtic Moussa Dembele kulankii ay 7-1 guuldaradda ah ay kooxda reer Scotish kala kulantay PSG, sidaas waxa laga soo xiganayaa gudaha Scotland.

Weeraryahanka isaga ayaa goollka daah furka si lama filaan ah ugu dhaliyey Celtic ciyaartii Parc des Princes, walow markii dambe la xaaqay.

Scotish Sun waxa ay qortay in Milan wakiilo u joogeen gegida si ay u daawaan 21 jirka.

Qiimaha laacibka waxaa la sheegaa in ay dhan tahay £20m.

Dembele waxa uu ka tirsan yahay xulka France ee ay da’dooda ka hooseyso 21jirada waxa uuna u dhaliyey 7 gool 10 kulan oo uu matalay.

Celtic waxa ay bilaash uga soo qaadatay Fulham xagaaggii 2016.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close