”Milan & Inter Yurub waa laga tebey” – Leo Messi

(Milano) 25 Nof 2017 – Lionel Messi ayaa sheegay in kooxda Milanese-ka ah ee AC Milan iyo Inter laga tebey Champions League, isagoo soo jeediyay inay fiican tahay soo noqodkoodu. “Sidii hore ma aha.” ayuu yiri.

Halyeeyga Barcelona iyo Argentina oo waraysi dheer siinayay La Gazzetta dello Sport ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin ka maqnaanshiyaha Talyaaniga ee KA2018.

“Kubadda Talyaanigu sidii hore ma aha, waxayna ila tahay arrintu way ka badan tahay inay Talyaanigu seegeen KA2018. Tusaale ahaan laba kooxood oo ka mid ah kuwa ugu waawayn Serie A sida Milan iyo Inter haatan ma aha sidii ay ahaayeen 10 sano ka hor, xitaa kama qayb galaan Champions League haatan. Taasina waxay saameyn ku yeelatay kubadda Talyaaniga.” ayuu yiri Messi.

“Waxay si tartiib tartiib ah iskugu dayayaan inay kor usoo foocaan, labada Milanese ba waa la tebey ee waa inay soo laabtaan oo ay ka muuqdaan una tartamaan heer yurub. Waayo sidii hore hadda maaha.”

Inter Milan's Marco Materazzi  (L) and AC Milan's Manuel Rui Costa waits on the pitch as supporters throw flares onto the pitch during their Champions League quarter-final second leg soccer match at the San Siro Stadium in Milan April 12, 2005.                             REUTERS/Stefano Rellandini
Inter Milan’s Marco Materazzi (L) and AC Milan’s Manuel Rui Costa waits on the pitch as supporters throw flares onto the pitch during their Champions League quarter-final second leg soccer match at the San Siro Stadium in Milan April 12, 2005. REUTERS/Stefano Rellandini

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close