La Liga: Real Madrid oo guul ka gaartay Malaga xili uu shabaqa gaaray Ronaldo +SAWIRRO

(Madrid) 25 Nof 2017 Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaartay Malaga oo marti u ahayd, waxayna ugu awood sheegatay 3-2.
9-daqiiqo Karim Benzema ayaa hogaanka u dhiibay Real kadib markii uu madax ku dhamaystiray kubadd uu ka helay Ronaldo, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.
18 daqiiqo Diego Rolan ayaa u soo barbareeyay Malaga kadib markii uu shuud xoogan ka dhex bixiyay daafacyada Real, kubadda ayaana sii dhaaftay goolhayeha, wuxuuna ka dhigay natiijada 1-1.
21 daqiiqo Casemiro ayaa hogaanka u dhiibay markale kooxdiisa kadib markii uu madaxeeyay kubadd uu koornada ka soo laaday Kroos, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-1.
Malaga ayaa isku dayday inay soo gudo goolka laakiin qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 2-1.
Qaybtii dambe, Ciyaartoyda Malaga ayaa ku soo galay ciyaarta si dardar leh, 58 daqiiqo Gonzalo Castro ayaa u soo barbareeyay kooxdiisa kadib kubadd uu ka toogtay banaanka diilinta ganaaxa, wuxuuna ka dhigay natiijada 2-2.
76 daqiiqo Ronaldo ayaa gool u badalay rigoore lagu galay Modric inkasta oo laga qabtay oo markale uu ku celiyay kubadda kadib markii uu soo tufay goolhayaha, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-2.
Ciyaartoyda Malaga ayaa isku dayay inay soo barbareeyaan markale laakiin ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 3-2 oo ay guushu ku raacday Real Madrid.
Gool FM