”Sida aan hadda ahay waan kasii fiicnaan doonaa” – Cutrone oo xalay rikoor dhigay

(Milano) 24 Nof 2017 – Qannaas yaraha kooxda AC Milan ee Patrick Cutrone ayaa sheegay inuu leeyahay wixii looga baahnaa laacib weerar ah isla markaana “uu abidkii kasoo rayn doono” kaddib markii uu laba ka dhaliyay kulankii ay xalay 5-1 ku tumeen Austria Vienna si ay ugusoo baxaan kaalinta 1-aad ee guruubkooda.

Cutrone oo 19-jir ah ayaa sheegay inuu kubadaha soo qaban jirey waagii uu ciyaarayay Liete Kaka oo xalay tarabuunka ka daawanayay goolashiisa.

“Haatan waxaan ka fikirayaa sidii aan uga sii fiicnaan lahaa la shaqaynta kooxda iyo fahamka taatikada macallinka, had iyo goorna waan dadaalaa.” ayuu yiri Cutrone.

Cutrone ayaa noqday laacibkii ugu da’da yaraa ee Milan u dheela ee 2 gool ka dhaliyay wareegga guruubyada ee EL ex UEFA Cup.

“Haatan waxaannu ka fikiraynaa kulanka Axadda ee Torino, kaasoo muhim ah” ayuu raaciyay.

b b7 B b3 b4 b19

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close