Inter Milan oo bisha Jannaayo baadi goobaysa Benalouane

(Milano) 24 Nof 2017 – Kooxda Inter Milan ayaa la sheegayaa inay bisha Jannaayo dalbanayso daafaca kooxda Leicester City ee Yohan Benalouane.

Tuttosport ayaa soo xiganaya warbixin uu sido warsidaha The Sun, taasoo tibaaxaysa in Inter ay raadinayso dambeed dhexe si ay dabool ugu hesho Milan Skriniar iyo Miranda iyadoo laacibkaa u aragta Benalouane.

30-jirkan ayaa dheeraad ku ah baahida kooxda King Power Stadium oo aanu hal kulanna kasoo muuqanin fasal-ciyaareedkan.

Yeelkeede, wuxuu khibrad wanaagsan u leeyahay Serie A maaddaama uu 100 kulan ka badan u saftay kooxaha Cesena, Parma iyo Atalanta.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close