Messi oo diyaar u ah inuu ka tago Barcelona Haddii……

Messi

(Barcelona) 23 Nof 2017 Mustaqbalka Lionel Messi ee Barcelona ayaa laga muujinayaa mugdi kadib markii ay sii adkaatay shuruuda uu ku xirayo inuu saxiixo heshiis cusub.

Shabakada Diaro Gol ayaa baahisay in tababare Valverde uu suuqa ka dalbaday afar laacib si loogu qanciyo Messi inuu saxiixo heshiis cusub.

Waxaana soo baxay warar sheegaya in Messi uu doonayo in afartaas laacib si dhaqso ah loo keeno kooxda si loo xoojiyo shaxda Barcelona.

Afarta laacib ayaa kala ah: Philippe Coutinho, Mesut Ozil, Thomas Lemar iyo Nabil Fekir, wuxuuna u arkaa ciyaartoydaan kuwo wax badan u qaban kara Barcelona.

Messi ayaa go’aan ku gaaray inuu xiro wadahadalada heshiis kordhinta Barcelona, laakiin tababare Valverde ayaa isku dayaya inuu badalo maankiisa.

Coutinho

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close