Medhi Benatia oo mucjiso ku tilmaamay kubaddii Ter Stegen uu ka badbaadiyay Dybala

(Barcelona) 23 Nof 2017 Daafaca kooxda Juventus ee Medhi Benatia ayaa mucjiso ku tilmaamay kubaddii goolhaye Ter Stegen uu badbaadiyay dhamaadkii ciyaarta.

Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-0 waqtigii loogu talo galay, waxaana xusid mudan kubadd cajiib ahayd oo uu badbaadiyay goolhayaha reer Jarmal.

Medhi Benatia ayaa sheegay in guushu ay ka go’nayd kooxdiisa, wuxuuna farxad ka muujiyay in kooxdiisa aan laga dhalin wax gool ah.

“Waxaan doonaynay inaan goolal dhalino, nasiibkeena ayaan aaminsanayn ilaa dhamaadkii, laakiin goolhaye Ter Stegen wuxuu sameeyay mucjiso kadib markii uu badbaadiyay shuudkii Dybala” ayuu yiri Medhi Benatia.

“Waa wax wanaagsan inaysan gool naga dhalin, sanadkaan goolal badan ayaa nalaga dhaliyay, arinkaas ma ahan kaliya qalad ay galeen daafacyada ee waxaa jira waxyaabo badan oo aan doonayno inaan isbadal ku samayno”.

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close