Edinson Cavani oo aan muhiim u arkin inuu jabiyo rikoorka gool dhalinta PSG

(Paris) 23 Nof 2017 Weerar yahanka reer Uruguay ayaa ku dhaw inuu jabiyo rikoorka gool dhalinta kooxdiisa PSG.

Wuxuu xalay dhaliyay 2-gool, wuxuuna haatan 5-gool u jiraa inuu soo barbareeyo Ibrahimovic oo ah laacibka ugu goolasha badan taariikhda PSG.

Laakiin wuxuu sheegay in muhiim uusan u arkin inuu jabiyo rikoorkaas, balse wuxuu cadeeyay inuu xooga saarayo sidii uu marwalba u caawin lahaa kooxdiisa.

“Rikoorka Zlatan? Ma qarinayo inaan maqlay dad ka hadlaya arinkaas, laakiin anigu kuma fikirayo wax aan ka ahayn inaan kooxda ka caawiyo sidii ay u joogtayn lahayd guulaha” ayuu yiri Edinson Cavani.

30 jirkaan ayaa u dhaliyay kooxdiisa PSG 151-gool 216-kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close