Carvajal oo Baaritaano lagu hayo…(Laacibka oo seegi kara wareega 16-ka Champions League)

baar

(Europe) 23 Nof 2017. UEFA ayaa baaritaano ku heysa daafaca muhiimka u ah Real Madrid ee Dani Carvajal kaddib markii uu si kas cad ah u qaatay Jaale ciyaartii dhaweyd ay Real Madrid lixda gool uga adkaatay APOEL tartanka Champions League.

Daafaca reer Spain ayaa 20 ilbiriqsi dib u dhigay Fooro ama gacan tuur uu sameynayay taa oo dhalisay in garsoore Artur Soares uu jaale u taago.

UEFA ayaa ku soo eedeysay 25 jirka inuu si cad u qaatay Jaalahaasi si uu u seego kulanka xiga isla markaana u soo laabto wareega 16 ka isagoo nadiif ah.

Carvajal ayaa iminka seegi doona kulanka ugu dambeeya wareega group yada ay Los Blancos 6-da December la yeelan doonaan Borussia Dortmund.

Haddii ay daafaca reer Spain ku caddaato inuu kas cad u qaatay kaarka jaalaha waxaa lagu ridi doonaa labo kulan oo ganaax ah oo wuxuu seegi doonaa wareega 16-ka.

UEFA ayaa go’aanka soo saari doonta khamiista soo socota 7-da bisha December.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close