Talyaaniga oo rajo caato ah ka leh ka qayb galka KA2018 (Maxaa dhacay?)

(Zurich) 22 Nof 2017 – Warar ka imanaya dalka Peru ayaa tibaaxaya in xulka dalkaasi laga saari karo dalalka xagaaga ka qayb qaadanaya KA2018, taasoo furi karta suurtagalnimo cusub oo uu Talyaanigu uga qayb qaadan karo Koobka Adduunka.

Warside Peruvian ah oo la yiraahdo Libero ayaa sheegaya inuu jiro xeer cusub oo uu soo jeediyay Paloma Noceda kaasoo xiriirka kubadda cagta dalkaasi hoos geeynaya dowladda – taasoo burrinaysa sharciyada FIFA.

Noceda ayaa ah guddoonka Gudigga Ciyaaraha iyo dhallinyarada, wuxuuna sharcigan usoo jeediyay xiriirka, taasoo werwer gelisey FIFA oo waydiisatey in arrintan xog laga siiyo.

Haddii xeerkan la socodsiiyo waxaa la sheegayaa inay FIFA Peru ka eryi doonto Koobka Adduunka, taasoo keeni karta in lagu bedelo dalka Talyaaniga oo ku haray ciyaarihii kala baxa oo ay Sweden ku reebtay, waloow ay arrintani ku xirnaan doonto dhowr qodob oo kala geddisan taasoo ka dhigaysa mid ay fog tahay inay dhacdo.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close