Gianluigi Buffon oo u jawaabay Ivan Rakitic ka hor kulankooda caawa

Buffon

(Torino) 22 Nof 2017 Goolhayaha Juventus iyo xulka qaranka talyaaniga ee Gianluigi Buffon ayaa u jawaabay laacibka Barcelona ee Ivan Rakitic.

Laacibka reer Croatia oo qayb ka ahaa shirka jaraa’id ee ka hor kulanka caawa ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay in Buffon uu seego koobka adduunka.

“Waxaa farxad ii ah inaan ka hortago goolhaye Buffon, dabcan waa wax laga xumaado inuu seego koobka adduunka” ayuu yiri Rakitic.

“Haddii aan awoodo inaan wax iraahdo, waxaan siin lahaa booskeyga koobka adduunka” ayuu sii raaciyay.

Laakiin goolhaye Gianluigi Buffon ayaa u soo jawaabay, wuxuuna Twitter-kiisa ku soo qoray:

“Qaaligeyga Rakitic, ka goolhaye ahaan waa suurogal inaan aqbalo laakiin inaan qadka dhexe uga ciyaaro Croatia adiga badalkaaga waxaa loo arkaa inaysan fikrad fiican ahayn, waxaan midaan u leeyahay adigaan kugu danaynayaa”.

“Marka laga soo tago Kaftanka, erayadaada hadiyad wayn ayeey ii ahayd. mahadsanidiin adiga iyo Jordi Alba, maaliyadeyda ayaa idin sugeysa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close