Xaalka Aguero iminka waa OKEY kaddib markii uu Xalay SUUXAY

ag

(Russia) 15 Nof 2017. Sergio Aguero ayaa loo ogolaaday inuu dib ugu soo laabto Ingiriiska kaddib markii ay dhakaatiirta ruushka sheegeen inuu xaalkiisa fiican yahay.

Dhaliyaha Man City ayaa la aaminsan yahay inuu suuxay intii lagu maqnaa qeybta hore ee ciyaarta.

Wax kasta waa ay fiicnaayeen qeybtii hore ee dheesha iyadoo uu xulka Argentina ku hogaaminayay goolal ay u dhaliyeen Aguero iyo Ever Baneg.

Aguero ayaa suuxay intii lagu guda jiray qeybta hore waxaana loola cararay Isbital si looga hortago.

 Whether Aguero is fit to play in City's upcoming game against Leicester remains to be seen

Murqwaynta Argentina ayaa guul daro lama filaan ah 4-2 kala kulantay Nigeria balse akhbaar fiican ayay ka helayaan xaalka dhaliyahooda.

Waaxda Caafimaadka Ruushka ayaa sheegay in xaalka Aguero uu iminka fiican yahay  wuxuuna awoodaa inuu dib ugu soo laabto Ingiriiska.

Balse waa la arki doonaa haddii uu laacibka ka soo muuqan doono kulanka ay City usbuuca soo socda la yeelan doonto Leicester City maadaama ay hogaamiyayaasha Premier League marsiin doonaan tijaabooyin u gaar ah inta aysan go’aansan inuu ciyaari karayo.

Waxaa la wariyay in dhibaatadan oo kale ay Aguero qabsatay markii uu yaraa xilli ay sheekadan imaaneyso mar ay lix usbuuc uun ka soo wareegatay shilkii halista ahaa ee uu feeraha uga jabay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close