Varane oo xalay soo laabtay ka hor kulanka Derby Madrid

Real Madrid's French defense Raphael Varane and Atletico Madrid´s French forward Antoine Griezmann

(Europe) 15 Nof 2017. Raphael Varane ayaa xalay lagu soo bilaabay kulankii saaxiibtinimo uu Faransiiska 2-2 la galay Jarmalka taa oo xoojineysa fursadaha uu Zidane ugu yeeri karo daaficiisa dhexe kulanka Derby Madrid ay sabtida ku wajihi doonaan Atletico Madrid.

Varane ayaa seegay kulankii saaxiibtinimo ay wiilasha Deschamps la yeesheen Wales balse dib u soo laabtay kulankii ay xalay la yeesheen ku guuleystayaashii koobk adduunka.

Daafaca Real Madrid ayaa waxaa soo gaaray dhaawac muruqa ah kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ay bishii Octobar la yeesheen Girona taa oo sababtay inuu seego kulamadii ay Los Blancos la yeelatay Tottenham Hotspur iyo Las Palmas.

 Frontman Timo Werner wheels away to celebrate his leveller for Germany

Nacho iyo Jesus Vallejo ayaana daboolayay booska daafaca reer France.

Soo kabshada laacibka ayaa ku soo aadeysa waqti fiican xilli ay Real Madrid sabtida booqan doonto gegada Wanda Metropolitano, waa kulan ay guul u baahan yihiin si ay wax uun oo cadaadis ah u saaraan hogaamiyayaasha horyaalka ee Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close