Miyuu Ronaldo ka tagayaa Real Madrid?…(Kabtan Ramos oo wax ka yiri)

raa

(Madrid) 15 Nof 2017. Sergio Aguero ayaa wax laga waydiiyay mustaqbalka Cristian Ronaldo kaddib labadii gool uu u dhaliyay xulka Spain ciyaartii saaxiibtinimo ay 3-3 la galeen marti galiyayaasha koobka adduunka ee Ruushka.

Kabanka Real Madrid ayaa sheegay inuusan waxba ka ogeyn isla markaana saxaafada ku dhiiro galiyay inay su’aashaasi waydiiyaan Ronaldo.

Shalay ayaa waxaa soo baxay warar sheegayay in Ronaldo uu ku war galiyay maamulka kooxda inuu doonayo inuu tago isla markaana uu diiday heshiis cusub.

“Cristiano Ronaldo ma tagayaa? Isaga waydii, waxba kama garanayo waxyaabahan,” Ramos ayaa sidaa yiri.

Daafaca reer Spain ayaa labadii Rigoore uu xalay dhaliyay sheegay inuu u hibeeyay wiilkiisa yar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close