Lukaku oo noqday gool dhaliyaha ugu sarreeya Taariikhda xulka Belgium

luu

(Belgium) 15 Nof 2017. Dhaliyaha Man United Romelu Lukaku ayaa noqday gool dhaliyaha ugu sarreeya xulka Belgium kaddib goolkii uu ka dhaliyay Japan ciyaartii saxiibtinimo ay shalay 1-0 uga adkaadeen.

Waa 24 jir uun, misane wuxuu noqday kan ugu goolasha badan xulkiisa oo wuxuu sii cago cageynayaa 31-gool.

Romelu Lukaku

Usbuucii la soo dhaafay ayuu bar bareeyay Rikoodhkii Bernard Voorhoof iyo Paul van Him, iminkana mid cusub ayuu ku dul qoray.

Saraakiisha Belgium ayaa mar ku dhawaaday inay baajiyaan kulankii uu Lukaku ku noqday kan ugu goolasha badan dalkaasi kaddib markii ay soo wajahday cabsi aragagixisinimo, balse markii dambe la go’aamiyay in la ciyaaro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close