Didier Deschamps oo daaha ka qaaday xulka uu doonayo inuu ka fogaado koobka adduunka

Image result for Didier Deschamps

(Paris) 15 Nof 2017 Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa daaha ka qaaday xulka uu jecelyahay inuusan ku soo aadin koobka adduunka.

Didier Deschamps ayaa baqdin ka muujiyay xulka qaranka Spain oo uu sheegay inuu jecelyahay inaysan isku arkin qaybaha hore ee koobka adduunka.

Image result for Didier Deschamps vs Spain

Labada xul ayaa isku guruub gali kara maadama France ay ku soo baxday booska koowaad halka Spain ay ku soo baxday booska labaad.

Kadib barbarihii xalay xulka France uu la galay xulka Jarmalka ayuu sheegay Didier Deschamps inuusan jeclayn in Spain uu ku guruub noqdo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close