Da’yarka Arsenal Iwobi oo Tuundheere uga riday Mascherano Goolna uga shubay….(DAAWO)

(World) 15 Nof 2017. Xulka Nigeria ayaa kulan saaxiibtinimo oo lala dhacay 4-2 uga adkaaday xulka wayn ee Argentina xilli xitaa labada gool looga hor maray.
Iwobi ayaa wacdaro ku dhigay Murqwaynta sida, Mascherano, Dybala iyo Sergio Aguero kaddib markii uu labo gool uga shubay.
Da’yarka Arsenal ayaa qeybtii labaad bilowgeedii gool caaqibo leh uga shubay Argentina iyadoo ay difaacyada buuxaan goobta diilinta ganaaxa.
Kubbada inta ku dhex ceshtay ayuu Tuundheere uga riday Mascherano misane ka dhaliyay.
DAAWO:
Gool FM.