Chelsea oo diyaar u ah inay Janaayo iibiso Willian si ay….

wii

(London) 15 Nof 2017. Willian ayaa ku dhibtoonaya sidii uu boos joogta ah uga heli lahaa Conte kal ciyaareedkan iyadoo Hazard iyo Pedro ay afka hore ku lamaaninayaan Alvaro Morata.

Wiilka reer Brazil ayaa lix kulan uun lagu soo bilaabay Premier League xilli ciyaareedkan iyo shan kulan uu badel ku yimid.

Sida uu sheegayo warsidaha Le10 Sport ee dalka Faransiiska in Chelsea lagu wado inay Willian iska iibiso Janaayo.

Waxay sheegeen in Conte uu 29 jirka ka iibinayo horyaalka Shiinaha iyadoo intaa kaddib ay Blues qiimaha ay ku iibsatay ku soo iibsan doonta Lucas Moura ee garabka weerarka kaga ciyaara PSG.

Le10 Sport ayaa intaa ku dareysa in Moura uu Chelsea ugu kacayo 27 milyan oo bound oo u dhiganta (30 milyan oo euro) marka dib u furmo suuqa kala iibsiga.

Lucas ayaa sidoo kale ku dhibtoonaya horyaalka Faransiiska , wax kulan ah laguma soo bilaabin ilaa iminka xilli ciyaareedkan.

Yeelkeede, iyadoo ay taa jirto ayuu misane dhaliyay afar gool isla markaana uu caawiyay goolal dhammaan tartamada.

Blues ayaa usbuuca soo socda Premier League u safri doonta West Brom, haddii ay guul gaarto waxay soo fariisan doonaan kaalinta labaad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close