Bayern Munich oo u dhaqaaqaysa Olivier Giroud

Image result for olivier giroud lewandowski

(Munich) 15 Nof 2017 Kooxda reer jarmal ayaa baadi goob ugu jirta badalka weerar yahanka reer Poland ee Robert Lewandowski.

Wargayska Bild ayaa baahiyay in Bayern Munich ay doonayso soo xerogalinta weerar yahanka Arsenal suuqa janaayo.

Kooxda ayaa doonaysa inay hesho weerar yahan nasin kara Lewandowski isla markaana aqbalaya inuu fariisto kursiga keydka.

Waxayna u arkeen Olivier Giroud laacib diyaar u ah arinkaas isla markaana badal u noqon kara Lewandowski marka uu maqanyahay ama uusan ciyaari karin.

Bayern ayaa u dhaqaaqaysa weerar yahanka Ajax ee Kasper Dolberg haddii Olivier Giroud uu diido inuu ka tago Arsenal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close