4-tan Sababood Darteed ayuu Cristiano Ronaldo u doonayaa inuu uga tago Real Madrid

(Madrid) 15 Nof 2017. Cristiano Ronaldo ayaa la warinayaa inuu doonayo inuu isaga tago kooxda Real Madrid.
Kaddib guul daradii 3-1 ay Los Blancos Champions League kala kulantay Tottenham, xiddiga reer Portugal ayaa daaha ka rogay inuusan dooneyn inuu qandaraas cusub saxiixo.
Saxafiga reer Spain Edu Aguirre ee ka howl gala hilinka El Chiringuito ayaa sheeganaya in Ronaldo uu Real Madrid uga careysan yahay heshiiska iminka miiska u saaran.
Waxaa kaloo la wariyay inuu Florentino Perez u sheegay rabitaankiisa ku aadan inuu ka tago Bernabeu 30 ka bisha June.
Laakiin waa laga soo diiday codsigaas taa oo sii xumeynaysa xiriirka labada dhinac.
Sikastaba jariiradda AS ayaa shaacisay 4 Qodob oo sabab u ah rabitaanka Ronaldo ee ku aadan inuu kooxda ka tago.
1. Isku daygoodii ku aadanaa inay la soo saxiixdaan Mbappe.
Sida ay sheegayaan warar laga helay Spain in Ronaldo uu carooday kaddib markii ay Real Madrid isku dayday inay la soo saxiixato xiddiga reer France ee Kylian Mbappe.
Camaaliqada Spain ayaa isku dayday kuna guul darreysatay inay adduun dhan 161 milyan oo bound ku keento Bernabeu.
Mbappe ayaa doortay PSG isla markaana iska diiday Real Madrid.
Lakiin Ronaldo ayaa la sheegay inuusan ku faraxsanayn in dhab ahaantii ay kooxda isku dayday saxiixa Mbappe kaa oo ay suuro gal ahayd inuu ka badelo booska garabka bidix ee weerarka.
2. Wararka Xanta ah ee Real Madrid la xiriirinaya Neymar.
Xiddiga reer Brazil ayaa lala xiririnayaa inuu u soo dhaqaaqo Real Madrid.
Kooxda Cad Cadka ayaa la sheegay inay Liiskeeda halka sare ka galisay xiddigii hore ee Barcelona.
Waana sabab kale uu Ronaldo uga tagi karo Spain.
Ronaldo ayaa u arka in Neymar la doonayo in lagu badelo booskiisa.
3. Mushaaraadka.
Ronaldo waa mid ka mid ah xiddigaha ugu Mushaarka badan Adduunka.
Laakiin laacibka uu la coltamo ee Lionel Messi iyo xiddiga ugu qaalisan kubbada cagta ee Neymar ayaa ka mushaar badan kabtanka Portugal.
Laacibkii hore ee Manchester United ayaa sanadkiiba jeebka ku shubta 28 milyan oo bound halka Neymar iyo Messi ay kooxahooda ka qaataan lacago sanadkiiba lagu qiyaasay 35 milyan oo bound.
Iyadoo ay jirto xitaa inuu miiska u saaran yahay qandaraas cusub, Ronaldo ayaa diidan inuu saaxiixo maxaa yeelay wuxuu doonayaa in ugu yaraan uu ku mushaar noqdo Messi iyo Neymar.
4. Cansuuhraadka.
Ronaldo ayaa ka mid ah ciyaartooy badan oo lagu soo oogay Canshuur lunsi.
Xiddiga Real Madrid ayaa lagu soo eedeeyay inuu bixin waayay canshuuraadka xuquuqda sawiradiisa sanadkii 2010, balse sheegay inaysan howshan qabsan lahayn haddii uusan caan ahaan lahayn.
Sida ay maxkamadaha Spain ula dhaqmeen Ronaldo ayaa la warinayaa inay noqon karto sabab kale uu u doonayo inuu uga tago Spain.
W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)
Gool FM.