Maxaa xalay kala qabsaday De Rossi iyo Tababare Ventura?

okkkk

(Milan) 14 Nof 2017. Daniele De Rossi waxa uu sharraxaad ka bixiyey caraddii uu kala dul dhacay tababbare Gian Piero Ventura isaga oo rabay in uu galiyo weeraryahanno dheeraad ah kulankii ay Italy uga hartay Koobka Aduunka ee 2018.

Xiddigga Roma oo markii ugu dambeeysay iska bixiyey maaliyadda Azzurri ayey Kaamiradu qabatay isaga oo ku jahwareeray go’aanada aan gegida loo soo galin weeraryahanka Napoli Lorenzo Insigne xilli ay Italy aad ugu baahneyn gool kulankii 0-0 ku dhammaaday ee Sweden.

De Rossi waxaa laga wariyey in uu yiri: “Sababtee balaayo aan garoonka ku galaa? Uma baahnin in aan halkan bar bar dhac ku galno, waxaan dooneynaa guul!”

Italy ugu dambeyn wey ka hartay ka soo qeybgalka Koobka Aduunka markii ugu horreeysay muddo ku siman 60 sano.

Ciyaarta kaddib ayuu De Rossi ka hadlay wixii dhacay iyo sababta uu ku diiday amarka tababaraha:

Post-match De Rossi tried to play down the incident, insisting that it was nothing personal

“Waxaan muhannay inay saddex ciyaaryahan hal mar iskululeeyaan, shan daqiiqo kaddib waan badelnay saddex kale ayaa misane la kiciyay.

“Waxaan ku iri uun inaan ku dhow nahay dhammaadka ciyaarta isla markaana ay tahay inaan guuleysano kulanka sidaa darteed Weeraryahanada u dir inay iskululeeyaan (Warm up), waxaan u tilmaamay Insigne.

 “Go’aankeyga ma ahayn haddii uu ahaa arrin farsamo, waan ka xumahay haddii aan qof ka carreysiiya, waxaan waqtigaa ka fikirayay uun laga yaabee inay fiicnayd in Insigne uu soo galo ciyaarta intii qof kale la keeni lahaa.”.

Italy's disastrous World Cup qualifying defeat took a sour turn on the substitutes bench

De Rossi told Ventura's assistant: 'Why the hell should I go on?' And pointed to Lorenzo Insigne

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close