Julian Draxler oo beeniyay inuu badal u noqonayo Ribery

Image result for Draxler and Ribery

(Paris) 13 Nof 2017 Julian Draxler ayaa beeniyay inuu badal u noqonayo Franck Ribery kaas oo laga yaabo inuu ka tago Bayern Munich dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay kooxdiisa PSG isla markaana uusan diyaar u ahayn inuu katago suuqa janaayo ama kan dambe ee xaggaaga.

Image result for Draxler and Ribery

Ribery ayaa daris la noqday dhaawacyo, maamulka Bayern Munich ayaana ku fikiraya inay iska fasaxaan marka uu dhamaado xiliciyaareed kaan markaas oo uu dhacayo qandaraaskiisa.

Draxler oo la waydiiyay inuu ka tagayo PSG ayaa yiri:

“Ma doonayo inaan ka tago PSG suuqa janaayo ama kan xaggaaga, waxaan ku jirnaa kala barka xiliciyaareedka, fikirkeyguna waa sidii aan u xaqiijin lahayn hadafka kooxdeyda”.

“Dabcan horyaalka Jarmalka marwalba waa mid soo jiidasho leh, laakiin waqtigaan ma ahan mid ku haboon inaan ka fikiro mustaqbalkeyga”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close