CAAWA LOOMA KALA HARIN: Qaar ka mid ah qamaamuurta Talyaaniga oo ku sugan garoonka San Siro (Maldini oo maaliyadda Talyaaniga soo xirtey)

(Milano) 13 Nof 2017 – Caawa waxaa gegada San Siro kulan jilbaha la isula carraysanayo ku ballansan dalalka Talyaaniga iyo Sweden iyadoo aan Italia garoonkan abid looga badinin 42 kulan oo ay ku ciyaareen.

Haddaba, San Siro oo falxad u ah Talyaaniga waxaa caawa ku sugan dhamaanba qamaamuurta reer Talyaaniga ee kubadda cagta qaarkood kuwaasoo caawa ku midaysan hal qaddiyad oo ah inay Talyaanigu usoo baxaan KA2018.

Sida uu dhigayo warsidaha Il Corriere dello Sport, waxaa caawa garoonka ku sugan min Maldini, Lotito, Cairo, Setti, Giulini, Marotta, Ausilio, Antonello, Gardini, Fassone, Mirabelli, Romei, Marino iyo Sartori, kaddib Montella iyo Spalletti sidoo kale Galliani, Maldini, Albertini, Costacurta, Rivera iyo Tommasi.

Maldini ayaa isagoo xiran funaanaddii ugu dambaysay ee Talyaaniga ayaa kabshan yar kusoo qoray: ”Caawa diyaar baan nahay, Forza Azzurri”.

b

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close