Valverde oo ka farxiyay Thomas Vermaelen

Image result for Valverde and Vermaelen

(Barcelona) 12 Nof 2017 Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa ka farxiyay daafaca reer Belgium ee Thomas Vermaelen.

Valverde ayaa u arka in kooxdiisu aysan u baahnayn inay iska iibiso daafac suuqa kala iibsiga ee janaayo maadama daafaca kooxdu uu ku jiro waqti fiican sida ay baahisay Sport.

Image result for Valverde and Vermaelen

Barcelona ayaa laga dhaliyay kaliya 4 gool xiliciyaareed kaan tartamada oo dhan, tababare Valverde ayaana ku fikiraya inuu sii haysto dhamaan daafacyadiisa.

Thomas Vermaelen ayaa lagu soo daray liiska ciyaartoyda Barcelona ay iska iibinayso bisha janaayo laakiin tababaraha reer Spain ayaa u arka kabtankii hore ee Arsenal mid kooxdu aysan ka maarmin xiliciyaareed kaan.

Wuxuuna qorshaynayaa in kooxdu ay la soo wareegto laba daafac dhamaadka xiliciyaareed kaan markaas oo kooxda ay ka tagayaan Mescherano iyo Vermaelen.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close