Romelu Lukaku oo caro kala dul dhacay xiddigaha Manchester  United

lukaku

(Manchester) 12 Nof 2017. Lukaku ayaa canaantay xiddigaha Man United kaddib  guul daradii ka soo gaartay Chelsea.

Carada ayaa yimid kaddib markii uu wiilka reer Belgium dib ugu soo laabtay kooxdiisii hore ee Blues isla markaana uu wax gool ah ka dhalin waayay sida ay sheegayaan ilo wareedyo laga helay qolka dher badelashada.

24-jirka ayaa ka carooday adeega kooxda kaddib abaartii goolal la’aanta ee ku dhacday todobo kulan, Ciyaarihii ay dheeshay Man United bishii la soo dhaafay.

 Lukaku was particularly upset about the lack of service from his midfielders

Wiilasha Jose Mourinho ayaa waxaa soo gaaray guul daradii labaad ee Premier League kal ciyaareedkan kaddib markii uu gool madaxa ah ugu shubay Alvaro Morata.

Lukaku ayaa la seegay inuu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu hadalka iyo dhaleeceymaha badnaa kaddib markii ay ciyaarta soo dhammaatay.

 The Belgian is lacking confidence and will be hoping for a goal in the next outing against Newcastle

Dhaliyaha reer Belgium ayaa markii ugu horreysay dib ugu soo laabtay Stamford Bridge tan iyo sidii ay Man United ugu soo iibsatay adduun dhan 75- milyan xilli la saadaalinayay inuu dib ugu soo laaban doono kooxdiisii hore ee Chelsea.

Sikastaba, Lukaku ayaa ka baxay abaartii baryahan heysatay kaddib markii uu labo gool u dhaliyay xulkiisa ciyaartii saaxiibtinimo ay dhawaan la yeesheen Mexico taa oo ka dhigeysa inuu noqday gool dhaliyaha ugu sarreeya xulka Belgium.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close