Real Madrid oo go’aamisay qiimaha ay ku iibinayso Gareth Bale

(Madrid) 12 Nof 2017 Kooxda reer Spain ayaa go’aamisay qiimaha ay ku iibinayso laacibka reer Wales ee Gareth Bale.

Mirror ayaa daaha ka qaaday in Real Madrid ay diyaar u tahay inay iska fasaxdo Gareth Bale dhamaadka xiliciyaareed kaan, laakiin kuma fasaxayso wax ka yar 85 milyan oo Ginni.

Manchester United ayaa si wayn u doonaysa saxiixa Gareth Bale laakiin khilaafka u dhexeya Real iyo United ee ka dhashay arinka De Gea ayaa laga yaabaa inuu hor istaago dhamaystirka heshiiska.

Sidoo kale kooxaha Chelsea iyo Tottenham ayaa ku darsaday Gareth Bale liiska ciyaartoyda ay ka doonayaan suuqa kala iibsiga.

Laacib kaan ayaan u ciyaarin kooxdiisa ilaa bishii September ee aan ka soo gudubnay, wuxuuna daris la noqday dhaawacyo hareeyay mustaqbalkiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close