PSG oo go’aamisay qiimaha ay ku iibinayso Neymar

(Paris) 12 Nof 2017 Xiddiga reer Brazil ayaa lala xiriirinayaa kooxda Real Madrid oo la filayo inay u dhaqaaqi doonto saxiixiisa dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Laacibka ayaan galin xaalad dagan tan iyo markii uu ku biiray PSG suuqii xaggaaga markaas oo 222 milyan uu uga soo dhaqaaqay Barcelona.

Waxay isku dheceen weerar yahanka reer Uruguay ee Cavani sidoo kale waxay is qabteen tababaraha kooxda ee Unia Emery.

Waxaana soo baxay in laacibku uu shalaay ka taaganyahay ku biiridiisii kooxda reer France, waxaana la ogaaday inuu danaynayo inuu dib ugu soo laabto horyaalka Spain.

Wararka ka imaanaya France ayaa sheegaya in PSG ay ku fasaxayso Neymar lacag dhan 300 milyan oo euro waana haddii laacibku uu kooxda waydiisto in la fasaxo.

Balse Marca ayaa daaha ka qaaday in Real Madrid ay diyaar la tahay kaliya bixinta lacag dhan 200 milyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close