Olivier Giroud oo shaki laga muujinayo inuu ciyaari karo kulanka Tottenham

(London) 12 Nof 2017 Arsenal ayaa wajahaysa dhibaato dhanka weerarka ah kulanka ay la ciyaari doonto Tottenham isbuuca dambe.

Olivier Giroud ayaa dhaawac looga saaray kulankii xulka France uu 2-0 uga adkaatay Wales jimcihii markaas oo uu gool u dhaliyay xulkiisa.

Giroud Wenger

The Sun ayaa baahisay in shaki badan laga muujinayo in Giroud uu taam u noqon karo kulanka kooxdiisu ay soo dhawayn doonto sabtiga dambe kooxda Tottenham.

Giroud ayaa seegaya kulanka xulka France uu talaadada la ciyaarayo xulka Germany, laacibka ayaana dib ugu laabanaya kooxdiisa si loo baaro inta uu la egyahay dhaawiciisa.

31 jirkaan ayaa la arkayay isaga oo bawdada looga xiray baraf kadib dhamaadka kulankii Wales, L’Equipe ayaa sheegtay in laacibku uu dareemayay xanuun iskululayntii ka hor ciyaarta balse isaga ayaa go’aansaday inuu ciyaaro kulanka saaxiibtinimo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close