Mats Hummels oo ka hadlay sababtii keentay in Ancelotti uu ku fashilmo Bayern Munich

Image result for Mats Hummels and Ancelotti

(Munich) 12 Nof 2017 Daafaca kooxda Bayern Munich ee Mats Hummels ayaa ka hadlay sababtii keentay in kooxda laga cayriyo tababare Carlo Ancelotti.

Tababaraha reer talyaani oo markii 5-aad oo xiriir ah ku hogaamiyay horyaalka kooxda Bayern ayaa laga cayriyay bilowgii xiliciyaareed kaan.

Mats Hummels ayaa sheegay in Ancelotti uusan sifiican ugu hadli karin luuqada Jarmalka taasna ay keentay inuu wax badan fahansiiwaayo ciyaartoyda.

“Nafteena ayaan waydiinay sababaha (cayrintii Ancelotti) waxaan la hadlay ciyaartoy badan oo horay ula soo shaqeeyay, dhamaantoodna waa ay amaaneen” ayuu yiri Mats Hummels.

“Waxaan rumaysanahay in luuqadu ay aad muhiim u tahay, daganaan ayaan dareemayaa marka aan ku hadlaayo luuqada jarmalka”.

“Marka aan ka hadlo Ancelotti, luuqadu waa qayb muhiim u ah shaqada tababarenimo laakiin waa uu ku fashilmay inuu xiriir la sameeyo ciyaartoyda si ka duwan sidii uu ku ahaa kooxaha kale”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close