Klopp oo iska diiday tababarida kooxaha Man United iyo Manchester City

Klopp 1

(Liverpool) 12 Nof 2017 Tababaraha kooxda Liverpool ayaa xili hore shaaciyay inuu iska diiday tababarida koox aad looga qadariyo gudaha ingiriiska.

Laakiin Mail ayaa ogaatay in Jurgen Klopp uu iska diiday inuu layliyo kooxaha magaalada Manchester ee City iyo United.

2014, Gudoomiyaha Manchester United ee Ed Woodward ayaa u safray Jarmalka si uu ugu qanciyo Klopp inuu badal u noqdo David Moyes laakiin tababarihii Borussia ee waqtigaas ayaa diiday dalabka uga yimid Manchester United.

Klopp ayaa waqtigaas kadib dalabyo ka kala helay kooxaha Manchester City iyo Tottenham balse waa uu diiday inuu aqbalo.

Tababaraha reer Jarmal ayaase ugu danbayntii qabtay shaqada kooxda Liverpool kadib markii uu ka tagay Borussia Dortmund.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close