Juventus oo isaga baxday doonista Emre Can iyo laacibka oo ku wajahan Man City

Image result for Emre Can

(Torino) 12 Nof 2017 Juventus ayaa isaga baxday doonista laacibka Liverpool ee Emre Can kaas oo sidoo kale diirada u saaran Manchester City.

Sida ay baahisay Star, Emre Can ayaa laga doonayaa Man City si uu badal ugu noqdo Yaya Toure kaas oo ku wajahan kooxda New York City.

Juventus ayaa ogaatay in laacibku uu diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo Man City maadama uu xiisaynayo inuu ka hoos ciyaaro tababare Pep Guardiola.

Qandaraaska Emre Can ee Liverpool ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, kooxda ayaa haatan dadaal ugu jirta sidii ay uga saxiixi lahayd heshiis cusub.

Waxaa soo baxay warar sheegaya in laacibku uusan diyaar u ahayn inuu heshiiska u kordhiyo Liverpool maadama ay isku haayaan dhanka mushaarka.

Sidoo kale Man United ayaa la socota xaalka Emre Can ee Liverpool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close