ITALY VS SWEDEN: Macallinka Talyaaniga oo weli ku adkaysanaya shaxda 3-5-2 iyo kaydinta Insigne (Xog)

(Milano) 12 Nof 2017 – Sky Sport Italia ayaa haatan werinaya inay Talyaanigu habeen dambe Sweden ku wajahayaan isla shaxdii 3-5-2, taasoo lagu soo kordhiyay Jorginho iyo Manolo Gabbiadini, balse waxaan safka 1-aad ku jirin Lorenzo Insigne.

Lugtii hore ee ka dhacday Solna ayaa 1-0 looga badiyay Talyaaniga, balse waxaa habeen dambe lugta 2-aad lagu ballansan yahay garoonka San Siro oo dad la ciirciiraya, waxaana Talyaaniga oo uu ka maqan yahay Marco Verratti lagu wadey inay ciyaaraan midkood 4-2-4 ama 3-4-3.

Waxaa aad loo hadal hayay inuu safan doono Insigne oo ay laacibiin iyo macallimiin badani soo jeediyeen in la safo iyo in shaxda loo bedelo 4-3-3 si looga faa’iidaysto laacibiinta baalasha ka imanaysa sida El Shaarawy iyo Insigne.

Yeelkeede, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Insigne uu kaydka kululayn doono, balse waxaa markan safan doona saaxiibkii Napoli ee Jorginho oo Talyaaniga u safanaya kulankiisii 1-aad ee rasmi ah iyo sidoo kale Alessandro Florenzi, oo bedelaya Daniele De Rossi oo aan faya qabin.

Hoos ka eeg shaxda laga yaabo.

SHAXDA LAGA YAABO: Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Candreva, Florenzi, Jorginho, Parolo, Darmian; Immobile, Gabbiadini

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close