Barcelona oo ay Koobka Adduunka uga qeyb galayaan ugu yaraan 15 laacib

barr

(Catalonia) 12 Nof 2017.  Ugu yaraan 15 laacib oo ka tirsan Barcelona ayaa xaqiiqsaday boosaskooda koobka adduunka ee 2018 lagu qaban doono Ruushka.

Tirada ayaa inta ka badan karta oo sii gaari karta ilaa 16 laacib, haddii sida la filayaba uu soo boxo xulka Coatia.

Croatia ayaa 4-1 ku soo adkaatay lugtii hore ee playoff ay la ciyaareen Greece, haddii aysan lama filaan dhicin Ivan Rakitic ayaa ku soo biiri doona xiddigaha Barcelona ee xaqiiqsaday booskooda K/A.

Natiijada sawirka Barcelona 2017

Real Madrid ayaa iyadu waxaa koobka adduunka uga qeyb gali doona oo boosaskooda xaqiiqsaday 12 laacib halka 2-da kale ay qarka u soo saaran yihiin.

Haddaba 15 ka laacib ee Barcelona uga qeyb galeya koobka Adduunka ayaa kala ah:

Messi, Mascherano, Paulinho, Luis Suarez, Pique, Busquets, Jordi Alba, Iniesta, Ter Stegen, Umtiti, Digne, Dembele, Vermaelen, Semedo iyo Andre Gomes.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close