Real Madrid oo diyaarsatay qiimihii ay kula soo wareegi lahayd Neymar

Image result for Neymar Real

(Madrid) 11 Nof 2017 Real Madrid ayaa durba bilowday inay ka sii baaraandagto qorsheheeda dhanka suuqa kala iibsiga ee dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Marca ayaa baahisay in madaxda Madrid ay ku fikirayaan dalab ay ka gudbiyaan laacibkii hore ee Barcelona kaas oo lacag rikoor ah ugu biiray PSG.

Image result for Neymar Real

Real Madrid ayaa diyaarsanaysa lacag dhan 200 milyan oo euro si ay u soo xerogaliso Neymar dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Marka lagu daro mushaarka uu qaadanayo waxaa la filayaa in saxiixa Neymar uu ugu fariisto Real 450 milyan oo euro.

Sidoo kale Real ayaa soo qaadanaysa laacibka Flamengo ee Vinícius Júnior kaas oo xaggaagii ay ku iibsadeen 45 milyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close