Eden Hazard oo fariin ku aadan David Luiz u diray tababare Conte

Image result for Hazard and Luiz

(London) 11 Nof 2017 Eden Hazard ayaa fariin u diray tababaraha reer talyaani ee Antonio Conte kadib markii uu shaxda kooxda ka saaray David Luiz kulankii Man United.

Hazard ayaa sheegay in David Luiz uu yahay laacib bashaash ah isla markaana saamayan ku leh qolka dhar badalka ee Blues.

Image result for Hazard and Luiz

Wuxuu intaa ku daray in David Luiz uu muhiim u yahay kooxda isla markaana uu yahay daafac leh tayo badan.

“Luiz waa laacibka ugu bashaash san kooxda, door fiican ayuu ku leeyahay qolka labiska sidoo kale wuxuu nagu dhex caawiyaa gudaha garoonka” ayuu yiri Eden Hazard.

“Inuu kamid ahaado kooxda waa arin aad muhiim u ah, waxaan dareemayaa farxad waayo Chelsea waxay haysataa daafac leh tayadiisa oo kale”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close