Dib u dhac wayn oo ku yimid qorshihii dib u habeynta Stamford Bridge

dib

(London) 11 Nof 2017. Waxaa dib u dhac wayn ku yimid qorshihii dib u habeynta garoonka Chelse ee Stamford Bridge.

Blues ayaa markii hore ku rajo waynayd inay garoonkeeda habka cusub loo diyaariyay u guurto xilli ciyaareedka 2020/21, balse iminka waxay sugi doonaan ugu yaraan ilaa kal ciyaareedka 2024/25.

Qorshaha ayaa ahaa in Chelsea ay garoonkeeda Stamford Bridge ka guurto xilli ciyaareedka soo socda si dib u hayenta loogu bilaabo balse hadda ma faarujin doonaan ilaa laga gaaro 2020-ka.

Lama sheegin  oo go’aan lagama gaarin halka ay Blues u sii guuri doonto afarta sano ee dayactirka lagu sameynayo garoonkeeda balse waxaa ugu cad cad gegada Wembley.

Stamford Bridge oo uu iminka qaadkiisu yahay 41,600 ayaa laga dhigi doonaa 60,000.

Stamford Bridge stadium plan

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close