Dhaawaca cusub ee Bale oo dadajinaya inuu dib ugu soo laabto Premier League

(Madrid) 11 Nof 2017 Dhaawac cusub ayaa soo gaaray laacibka Real Madrid ee Gareth Bale kaas oo diirada u saaran Manchester United.

AS ayaa daaha ka qaaday in Bale uu goordhaw isaga tagi doono Real Madrid waliba qiimo ka hooseeya 100 milyan oo euro oo ah qiimihii uu 2013 ugu biiray Real.

10 milyan oo euro ayuu hoos u dhacay qiimaha Bale kadib markii xulkiisu uu ka haray u soo bixida koobka adduunka ee lagu qabanayo ruushka 2018.

Sidoo kale 10 milyan oo kale ayuu hoos uga sii dhacay qiimihiisa dhanka suuqa kadib markii uu daris la noqday dhaawacyo hareeyay xirfadiisa.

Dhaawiciisaan cusub ayaa la filayaa inuu ku cadaadiyo madaxda Real Madrid inay iska iibiyaan laacibka reer Wales dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close