Chelsea oo Janaayo jirineysa Icardi

jiri

(Europe) 11 Nof 2017. Chelsea ayaa eeganeysa inay Janaayo u dhaqaaqdo kabtanka Inter Milan Mauro Icardi.

Xiddiga kooxda reer Talyaani ayaa dhawaan saddexley uga shubay dariskooda AC Milan wuxuuna ku raaxeysanayaa xilli ciyaareed fiican.

Laakiin El Gol Digital ayaa soo jeedisay in Chelsea ay isku dayi doonto sidii ay ugu soo kaxeyn lahayd Ingiriiska iyadoo bixineysa lacagaha lagu bur burin karo qandaraaskiisa ee 88 milyan oo bound ee u dhiganta (100 milyan oo euro).

24 jirka ayaa kal ciyaareedkan dhaliyay 11 gool 12 kulan uu saftay horyaalka Serie A.

Mauro ICardi

Taa oo ka dhiganta inuu gool dhalinayay 97-daqiiqaba mar.

Antonio Conte oo horey u heystay Alvaro Morata ayaa ka dhigan doonistiisa Icardi inuu damacsan yahay inuu dhiso weerar halis ah.

Chelsea oo sagaal dhibcood ka dambeysa Man City ayaa sidoo kale hooseeya gool dhalinteeda oo waxay dhaliyeen ilaa iminka 19 gool marka loo bar bardhigo wiilasha Guardiola oo dhaliyay 38 gool.

Haddii uu rumoobo hamiga Blues isla markaana ay soo xero galiyaan Icardi waxaa meesha ka bixi doona sida muuqata Michy Batshuay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close