Alvaro Morata oo daaha ka rogay xiddiga uu ka soo qaadan lahaa Real Madrid

alvaro

(Spain) 11 Nof 2017. Dhaliyaha Chelsea Alvaro Morata ayaa doortay laacibka uu ka soo qaadan lahaa kooxdiisii hore ee Real Madrid si uu ugala garab ciyaaro Blues.

Xiddiga reer Spain ayaa dib ula midoobay saaxiibadiisa xulka oo kulan saaxiibtinimo ciyaaraya wuxuuna sheegay inuu Isco horey u soo wadan lahaa.

“Isco ayaan Chelsea u soo kaxeyn lahaa iminka markan aan ka soo laabto xerada Spain,” Morata ayaa sidaa u sheegay Morata told Cadena Ser.

Alvaro Morata tells Chelsea to sign Real Madrid star

“Laakiin waxaan aaminsanahay in iminka ka ciyaaro mid ka mid ah doorka ugu fiican Madrid, sidoo kale waa muhiim xulka qaranka.

“Waxaan aaminsanahay inaan la joojin Karin marka uu dareemo inuu muhiim yahay, adduunka dhan ayaa arkay midaa tan iyo sidii uu ula wareegay xukunka Madrid.

Alvaro Morata tells Chelsea to sign Real Madrid star

“Waa laacibka ugu muhiimsan Real Madrid iyo xulka qaranka.

“Wuxuu badelaa kulamada, wuxuu sameeyaa farqiga, qoob ka ciyaar ayuu ku sameeyaa kubbada, waxaa intaa dheer inuu yahay saaxiibkeey.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close