XOG: PSG oo doonaysa inay AC Milan ka dul qaaddo Antonio Conte (Xiriir durba dhacay)

(Paris) 10 Nof 2017 – Kooxda Paris Saint-Germain ayaa la sheegayaa inay xiriir la sameeysay macallinka Chelsea ee Antonio Conte kaasoo ay doonayaan haddii lacalla uu Unai Emery ku fashilmo inuu kooxda keeno ugu yaraan nus dhamaadka Champions League.

Sida ku dhigan warsidaha Faransiiska ah ee Le Parisien, naadigu wuxuu diyaar u yahay inuu albaabka tuso macallinkii hore ee Sevilla ee Emery, kaasoo uu qandaraaskiisu dhacayo Juun 2018.

Waxaa hadda soo baxaysa inay diiradda ku hayaan Conte, kaasoo aysan haatan isku fiicnayn maaraynta Chelsea oo ay isku maageen suuq-xagaagii kala iibsiga ciyaartooyda.

Le Parisien ayaa werinaya in PSG ay durba xiriir la samaysay wakiilka Conte, si ay Conte uga dhigaan Talyaanigii 2-aad ee hoggaamiya kooxdan Ligue 1 kaddib Carlo Ancelotti.

Arrintan ayaan war fiican u ahayn kooxda AC Milan, oo Conte aad loola xiriirinayay xagaaga soo aaddan.

B

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close