“Daacadii ma ogeyn in Neymar uu kooxda ka tagi doono – Messi

ney

(Europe) 10 Nof 2017. Lionel Messi ayaa ka dhawaajiyay inuusan ka warqabin go’aankii uu Neymar ugu biiray PSG ilaa laga gaaray daqiiqadii ugu dambeysay.

Laacibka reer Brazil ayaa lacagihii ugu badnaa ebid taariikhda kubbada cagta 222 milyan ugu biiray camaaliqada reer France.

Saxaafadda ayaa si xoog badan isla dhex qaadeysay wararka ku aadan sheekadan ilaa markii dambe uu Neymar soo gaaray xerada tababarka Barcelona si uu ugu sheego rabitaankiisa ku aadan inuu ka tago.

Si kastaba Messi oo aad ugu dhawaa Neymar ayaa sheegay inuu ogaaday uun in Neymar ka tagayo kooxda daqiiqadii ugu dambeysay.

“Daacadii Maya,” Messi ayaa sidaa ku jawaabay mar ay ESPN waydiisay haddii uu ogaa in Neymar uu tagi doono.

“Waan wada hadleynay ilaa maalinkii ugu dambeeyay ee safarkeena, Waxnana ma aynaan ogeyn.

“Wuxuu yiri inaysan weli u kala caddeyn waxa uu sameeyo isla markaana uusan garaneyn waxa uu sameynayo.

“Kuwa kale waxay sheegeen inay ogaayeen inuu tagayo, laakiin ilaa daqiiqadii ugu dambeysay waxaan la hadleynay isaga.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close