Wenger oo ogolaaday in bisha Janaayo lagu iibiyo Ozil qiimahan?

Mesut-Ozil-840317

(London) 09 Nof 2017. Arsenal waxa ay dul dhigtay £30m Mezut Ozil oo xiiso ka helaya Mancehster United.

29 jirka waxa uu u muuqda mid ka tagaya Emirates gabagabada xagaaga xilli labada xisbi ku guuldarreystay in ay isku fahmaan saxiixa qandaraas cusub.

Jarmalka waxa uu doonayaa in uu sare loo qaado mushaarka dhan £140,000, ee uu toddobaadkii qaato –  waana inta ugu badan ee hadda Gunners laga qaato.

Wenger markii uu hore waxa uu ku adkeysanayey qorshihiisii ahaa in Ozil dhammeysto qandaraaskiisa balse hadda wuu ka caga jiidayaa waxa uuna u arkaa in faa’ido ku jirto bisha Janaayo in la iibiyo.

Daily Express waxa au qortay in xiddigga Germany ay Gunners ku dooneyso aduun dhan £30m.

Waxaa iyana jirka rajo laga qabo in Ozil lagu qanciyo in uu saxiixo qandaraas cusub cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close