Sergio Ramos oo soo dhaweeyay in Neymar uu ku soo biiro Real Madrid

Image result for Ramos Neymar

(Madrid) 09 Nof 2017 Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa soo dhaweeyay in Neymar uu ku soo biiro kooxda reer Spain.

Ramos ayaa sheegay in haatan ay u fududahay Neymar inuu si toos ah ugu soo biiro Real maadama uu yahay laacib u ciyaara koox uusan xifaaltan kala dhexeyn.

“Marwalba waxaan rajeeyaa ka garab ciyaarida ciyaartoyda ugu fiican, Neymar-na wuxuu kamid yahay ciyaartoyda ugu fiican” ayuu yiri Ramos oo la hadlay idaacada Cadena Cer.

“Waxaan rumaysanahay inay ka fududahay inuu nooga soo biiro PSG halkii uu nooga soo biiri lahaa Barcelona”.

“Dabcan kaasi waa go’aankiisa shaqsiga ah isaga ayaana gaaraya, ma jiro qof garanaya wixii dhici doono mustaqbalka”.

“Laakiin waxaan rumaysanahay in albaabka Real uu yahay marwalba mid u furan isaga, xiriir fiican ayaana igala dhexeeya”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close